Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in la joojiyey dabaaldegyaddii 18 May.
Posted by ifraax on May 03 2017 21:51:15

Wasiirka  Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland,Cismaan C/llaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in munaasinadihii loogu dabaaldegi jiray maalinta madax banaanidda.


Extended News

Wasiirka  Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland,Cismaan C/llaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in munaasinadihii loogu dabaaldegi jiray maalinta madax banaanidda Somaliland ee 18 May la joojiyey abaaraha jira awgeed.


Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dabaaldegii lagu weynayn jiray 18 may ee dhaqaalaha badan ku bixi jiray sanadkan la joojiyey, isla markaana dhaqaalahaasi ku bixi jiray loo leexin doono in abaaraha wax lagaga qabto, maadaama oo abaartani saamaysay dad iyo duunyaba,
“Waxaa innagu soo fool leh xuskii munaasibadda 18-ka Mnay, waxaannu go’aamiyay madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo in 18-ka May dabaal-degeedii aynu sannad walba samayn jirnay 25-kii sannadood ee la soo dhaafay in aanu sannadkan sidii hore u dhici doonin. In qaranka Somaliland gobol iyo degmaba in lacagtii lagu dabaal-degi jiray loo bedalo gurmadka abaaraha.”ayuu yidhi.
Waxaanu intaas ku daray “Waxaa la go’aamiyay in shacabka Somaliland haddii qurbajooga tahayba guud ahaanba ummadda reer Somaliland meel kastoo ay joogaanba inay sannadkan guntiga dhiisha iskaga dhigaan, oo ay si adag uga fikiraan sidii aynu gurmadka abaaraha uga qaybqaadan lahayn oo wax kastoo dabaal-degaasi ah aynu u bedalo qaadhaan ururin aynu dadkeenna abaaruhu soo baro kiciyeen in aynu la wadaagno.”
Sidoo kale, wasiirku waxa uu ka hadlay ciidamo la sheegay in Buuhoodle laga qorayo oo dawlada Fadaraalka Soomaaliya doonayso inay saldhig xero ka samaysto magaaladda Buuhoodle, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi ““ciidamada Africa ugu xooga weynaa ee Soomaaliya, xilligii Maxamed Siyaad Barre, ee Somaliland la dagaalantay, ciddii dawladaas burburisay waa Somaliland. ragga maanta Soomaaliya ka taliyaana ha ku cimro qaataan  baanu leenahay. Annagu waxaanu nahay dawlad iyo dal doonaya inuu nabadgelyo kula noolaado jaarkiisa oo dhan. Waxase naga go’an oo balan ah inaanaan xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland cidna u dabofadhiisanaynin.”
Waxaanu intaas ku daray “Waxaanu leenahay Soomaaliya, dalkiina ayaa idiinka baahan inaan nabadgelyadiisa sugtaan, Somaliland xuduudaheeda way sugaysaa, waxaanan fariintan u diraynaa Madaxweynaha, Ra’iisul-wasaaraha iyo shacabka Soomaaliya, waxaana doonaynaa inaanu dad jaar ah oo saaxiibo ah noqonno, haddiise aad ku soo xadgudubtaan oo aad istidhaahdaan hagar-daameeya qaranka Somaliland, waxa hubaal ah in sidii kuwii hore ugu fashilmeen si ka xun ugu fashilmi doontaan.”
Dhinaca kale,waxa uu wasiirka Warfaafinta Cadaani eeddo usoo jeediyey xisbiga mucaaradka ah ee WADANI oo uu sheegay inay la safan yihiin Soomaaliya.
“xisbiga Waddani waxaan leeyahay markii aad war-wareegayseen Yurub ee lacagtii ay qurba joogu ugu tallo galeen in ay dadkoodda ku caawiyaan, ee aydun idinkuna lahaydeen qarankiyo dalku wuu burbursan yahay oo waxba ma jiraane annaga wax dhisaynee na siiya.Beenta iyo hagar-daamada xafiisyadda Yurub aad la marayseen adiga iyo Cirro, madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisu iyaguna waxay ku hawlanaayeen sidii ay uga hawlgeli lahaayeen taakulaynta dadka abaartu haleeshay,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay gurmad badan ka gaysteen dadka abaaruhu saameeyeen oo raashin iyo biyo u direen deegaamooyinka badan ee abaartu ugu darnayd.

Hargeysa Online