Wasiir Cabbaas oo aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.
Posted by ifraax on May 04 2017 20:38:55

Waxaa goor dhaw oo maanta ah lagu aasay magaalada Muqdisho alle ha u naxariisteen wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumada Soomaaliya.


Extended News

Waxaa goor dhaw oo maanta ah lagu aasay magaalada Muqdisho alle ha u naxariisteen wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumada Soomaaliya Cabbaas Sheekh Cabdullaahi Siraaji oo xalay lagu dilay ilinka hore ee madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa aaska marxuumka ka qeyb-gallay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya,guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka,, inta badan xubnaha gollaha wasiiradda xildhibaanno, ehelada marxuumka iyo dad kale oo ay asxaab ahaayeen.

 

201754636294858303943807khayre-33.jpg

20175463629485848052790622.jpg

20175463629485859807522522q1.jpg

201754636294859037303161aaska.jpg


Marxuumka ayaa waxaa salaada Janaasada lagula tukadata masjid ku yaalla madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay salaada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda kale ee Qaranka, kadib waxaa loo qaaday qabuure  ku yaalla isbitaal Madiina, halkaasi oo lagu aasay.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo goobta ka hadlay ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu jannadii ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu ka tagayna uu samir iyo Iimaan ka siiyo, wuxuuna ra’iisul wasaaraha sheegay in cadaalada la horkeeni doono raggii falkan ka dambeeyay.
Wasiirka ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo dhawaan uun ku soo biiray siyaasada, waxaana uu ka mid ahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee wax ku soo bartay xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

 

Hargeysa Online