25 Qof Shil Baabuur ku galay xaafada Xero Awr ee Hargeysa.
Posted by abdi on May 07 2017 22:26:06

Gaadhi bas oo ka soo rakaabsaday isdaanka basaska ee xero-awr ee magaalada hargaysa ayaa markii uu marayay dalcadda sarre ee majidka Nuur.


Extended News

Gaadhi bas oo ka soo rakaabsaday isdaanka basaska ee xero-awr ee magaalada hargaysa ayaa markii uu marayay dalcadda sarre ee majidka Nuur ee xaafadda xerro-awr ka soo taraaray isla markana qalimay.

Baskan ayaa siday dad gaadhaya 25 qof oo rakaaba waxaana markii uu dalcadda dib ugu soo noqday ay dadkii boobeen albaabka baska, halka qaar ka midi ay albaabka ka daateen.

Dhaawaca ayaa gaadhaya ilaa toboneeyo qof oo qaarkood ay xaaladoodu culustahay.
Dadka dhaawacmay ayaa loola soo cararay cisbitaalka magaalada hargaysa halkaas oo lagu dabiibayo.

 

Hargeysa Online