Wakiilkii Somaliland ee USA oo shaqadii Qaranka ka dhigay " Part time Job".
Posted by ifraax on May 10 2017 22:55:10

Waxaan dhawaan booqasho ku tagay Magaaladda Washington,D.C ee laga xukumo dalkan mareykanka, may ahayn markii ugu horeysay ee aan booqdo magaaladaas.


Extended News

Waxaan dhawaan booqasho ku tagay Magaaladda Washington,D.C ee laga xukumo dalkan mareykanka, may ahayn markii ugu horeysay ee aan booqdo magaaladaas, dhowr jeer oo hore ayaan tagay . Waxa magaaladaas degan niman akhyaar ah oo wax badan u soo halgamay dalka Somaliland sannadihii 1988 - 1991. Ragga qaarkii waxay hor seexan jireen habeeno Barafku dhacayo Hudheelo ay ku soo degi jireen Nimankii ka tirsanaa xukunkii Keligii taliyihii Siyad Barre, iyagoo ku mudaaharaadaya, taasoo keentay inuu Mareykanku Mucaawinaddii uu siinjirey ka joojiyo Xukuumadaas.

Mar kasta oo aan imaado nimankaa waan la kulmaa si aan u tuso inaan Abaal u hayo, oo ay inaga mudan yihiin in la Qadariyo. Safarkan hadda ugu danbeeyey waxaan ku soo arkay niyad jab iyo Bulshadii deganayd nawaaxigaas oo kala qaybsan, aad iyo aadna u niyad jabsan. Waxaana la igu wargeliyey Sannadkii hore in laba xafladood la kala qabtay 18kii May. Arrintaas markii aan u kuurgalay waxa eeda Dusha looga saarey Ninka Somaliland Wakiilka uga ah USA oo lagu magacaabo Rashid Nur, oo u haya Xilkaas as a "PART TIME JOB". Oo ka baxsan sida ku xusan shuruucda wasaaradda Arrimaha Dibedda. Madaxweyne Siilaanyo oo digreeto Madaxweyne ku magacaaba Wakiilka iyo Wasiirka arrimaha dibedda midna kama warqabo in shaqadan loo hayo as a PRT-TIME JOB. Ragga wax garadka ah ee Jaaiyaddu waxay Wakiilka u soo bandhigeen muddo hore inuu xilka ku wareejiyo Qof firfircoon oo wakhti iyo farsamaba u haya Qaddiyada Somaliland oo u baahan in la saaro Awood dheeraad ah. Rashiid arrintaas wuu ku gacan seydhay, sheekaddiina wuu beday waxaanu ka dhigay mid siyaasadeysan oo uu Xanaaq iyo hanjabaad ku ladhay. Kadib waxa dhacday in Jaaliyaddii ay Xafiis furato isla markaana la sameeyo Guddi dadka isku xidha oo arrinta u haw gasha. Rashiidna waxa uu ka ag furay Xafiis kale oo inta badan iska xidhan, lana furo oo la isku sawiro marka uu Qof cusubi magaaladda soo galo.

Arrintaasi waxay igu noqotay niyad jab isla markaana waxaan la yaabay, kala qaybsanaanta inta yar ee degan Nawaaxiga Washington, DC. Haddaba Xukuumadda Somaliland ma ka warhaysaa in Wakiilku aanu u gacan banaaneyn u dagaalanka Qaddiyadda Somaliland. Goormaase la isku raacay oo Golaha Wakiiladda iyo guurtidu ay ogolaadeen in shaqadda Wakiilku ay noqoto "PART TIME JOB". Kharashka ku baxayana loo bixiyo as a diplomatic Candidate !? waxayse u egtahay in dantii guud laga horeysiiyey in nin lagu naas nuujiyo - Kulmiye kamuu waayin DC Area Qof firfircoon oo xilkaas loo dhiibo, waxayse arrintu noqotay inuu Rashiid toos ugu xidhmo madaxtooyadda, markaasna ay noqoto Wakiilnimaddii Somaliland oo uu ku qaato kharash iyo Fund ka soo baxa wasaaradda Arrimaha Dibbeda. Kadibna uu Shaqo kale oo full time ah wakhtigiisa u hibeeyo, tii Qaranka dhan eeganayeyna laga dhigo "PART TIME JOB" sidii la doono laga yeelo.
Runtii Hawshaasi aad bey u dayacnayd, reer Somalilandna wey ka go'naayeen xidhiidhka Wakiilka, taasina waxay keentay in uu dhaqdhaqaaqii Xafiisku xidhmo isuna bedalo meel lagu sheekaysto marka la furo.
Sumcaddii ay Somaliland ku lahayd US State Departmentkuna way wiiqantay. Marka kaliya ee codka Rashiid la maqalaa waa 18ka MAY. Wuxuu Baraarugaa marka ay 18 May soo dhawaato oo kaliya. Dadka Goboladda kale ku nooli xitaa waxay isweydiiyaan maxaa loo arki waayey Wakiilkii oo TVyadda iyo Mediyahaba Somaliland uga doodaya. Xafiiskaasi wuxuu u baahan yahay Qof codkar ah oo furfuran oo Wakhtigiisa u hura, Jaaaliyadana la leh xidhiidh wacan.
Aniga iyo niman kale waxaanu bilaabaynaa in arrintaas aanu u gudbino Golaha Wakiiladda Somaliland, si wax loga weydiiyo Wasiirka Arrimaha Dibedda oo aan arrintan waxba kala soconin. Waxa markaa uu baadhitaanku ku danbayn doonaa ilaa Madaxtooyadda iyo Madaxweyne Siilaanyo oo isagu awood u leh inuu bedelo ama magacaabo Wakiiladda Somaliland dunnida u fadhiya – oo aan marnaba loo magacaabin as a PART TIME JOB laguna maalgeliyo xoolo badan oodekhliga Wasaaradda hoos yimaada. Qofkii xiiseynaya ee barnaamijkan ka qayb qaadanaya ama kii haya Macluumaad dheeraad ah, sida full time jobka uu wakhtigiisa inta badan uu siiyo, si loo xaqiijiyo Dayacnaanta dantii guud iyadoo aan cid loo waayin. Xafiis xidhan oo ninkii ku magacawnaana uu shaqooyin kale iska wato, Shaqada Qaranku miyaanay ahayn ta wax walba ka horeysa- weliba tan Somaliland oo u baahan orod iyo dedaal badan. Qadiyadda Somaliland Danni ma ugu jirtaa, sidey wax u socdeen 7dii sanno ee la soo dhaafay !?

Mohamed Ali,
Minneapolis, Mn