Madaxweyne Magaalada Mogadishu oo ka qeybgalay shir looga hadlayay hormarinta dhaqaalaha ee London.
Posted by ifraax on May 10 2017 23:09:23

Kulankan oo hor dhac u ah shirka maalinta berri ah 11 bishan May lagu waddo in uu ka furmo magaalada London.


Extended News

Kulankan oo hor dhac u ah shirka maalinta berri ah 11 bishan May lagu waddo in uu ka furmo magaalada London ayaa waxaa ka qeyb-gallay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xubno ka socday bulshada rayidka, qurbo joog iyo wakiil ka tirsan beesha caalamka.
Kulanka ayaa looga hadlay doorka qurba joogta ee ku aadan dib u dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimo kale.
Khudbado kala duwan waxaa shirka ka jeediyay qurbo joog ka kala yimid Yurub iyo Ameerica oo ka hadlayay kaalinta qurba-joogta ee labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa  ku ammaanay qurba joogta kaalinta ay ka qaateen dib u dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha.
“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wey ka war qabtaa kaalmada qurba joogta iyo dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

2017510636300052093448167shirka-diaspora3.jpg

2017510636300052218789106shirka-diaspora2.jpg

2017510636300052410516530shirka-diaspora1.jpg

2017510636300052588174927shirka-diaspora4.jpg

2017510636300052763835440shirka-diaspora.jpg


Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa shirka ku soo bandhigay 4 hab cusub, si dowladda uga faa’ideysato xirfadda bulshada rayidka iyo qurba joogta.
Shirka ayaa laga soo jeediyay talooyin kala duwan oo ay jeediyeen dadkii madasha ka hadlay, waxaana la isla qiray in qurba-joogta ay 20-kii sano ee la soo dhaafay kaalin weyn ka geysteen Soomaaliya, isla markaana ay dhaqaale fara badan u direen.
Maalinta berri ayaa lagu wadaa in uu furmo shirka Arrimaha Soomaaliya looga hadlayay, kaasoo ay si wada jir u shir guddoominayaan madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaaraha UK iyo xog-hayaha guud ee QM.

 

Hargeysa Online