Somaliland oo Sheegtay in %19 dekeda Berbera ku Wareejisay itoobiya.
Posted by abdi on May 11 2017 21:03:30

Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay saaka si lama filaan ah ugu  dhawaaqdey in saami laga siiyey dekeda magaalada Berbera.


Extended News

Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay saaka si lama filaan ah ugu  dhawaaqdey in saami laga siiyey dekeda magaalada Berbera oo maanta si rasmi ah loogu wareejin doono shirkada Dp World .

 

Wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr Cumar Shuceyb oo saaka u waramey Idaacada BBC-da ayaa waxaa uu shaaciyey in xukuumada Somaliland ay Saami ka siisay dawlada Itoobiya Dekada Magaalada Berbera si ay u isticmaalaan Saamigan ayaa waxaa uu wasiirku ku sheegay in ay tahay 19% ( Boqolkiiba Sagaal iyo Toban ) waxaana shaacintani ay ku soo beegmaysaa xili ay maanta xukuumada Somaliland ay dekada Magaalada Berbera maamulkeeda si rasmi ah ugu wareejineyso shirkada Dp World.


Hargeysa Online