17 qof oo gaajo iyo cudurro ugu geeriyooday Muqdisho.
Posted by abdi on May 14 2017 23:07:43

Ugu yaraan 17 qof ayaa gaajo iyo xanuuno kala duwan ugu geeryooday kaam ay ku jiraan dad kasoo cararay abaaraha oo ku yaalla degmadda Kaxda.


Extended News

Ugu yaraan 17 qof ayaa gaajo iyo xanuuno kala duwan ugu geeryooday kaam ay ku jiraan dad kasoo cararay abaaraha oo ku yaalla degmadda Kaxda ee magaalladda Muqdisho.

Kaamka ay dadkan ku geeryoodeen ayaa lagu magacaabaa “Daryeel Kaam”, sida uu sheegay mid ka mid ah horjoogayaasha kaamka.


“Dadka dhintay Hooyooyin iyo carruur ayeey ubadanyihiin, 12 kamid ah dadka geeryooday Gaajo ayeey u dhinteen, 5-ta kalana waxaa ay u dhinteen xanuunka Jadeecada”, ayuu yiri horjoogaha.

Dhinaca kale waxaa uu hadalkiisa uu siiraaciyay in ay ka wal-walsanyihiin sidii loo aasi lahaa meydadka iyo goobihii lagu aasi lahaa.

“Maamulka degmadda waa ay ka warqabaan balse wax kaalma ah wali nama soo gaarsiin”, ayuu hadalkiisa uu sii raaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadkii ka soo cararay Abaarta waxaa saddex kaam ay uga sameysay degmooyinka Kaxda, Dayniile iyo Garasbaaley.

Khamiistii lasoo dhaafay,  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in loo baahanyahay $900 million oo dollar oo dheeraad ah sanadkan, si loo kordhiyo kaalmada bani’aadanimadda ee dalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa hadalkaasi ka sheegay shirkii ka dhacay magaalladda London ee looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya.

Natiijadda abaaraha dalka Soomaaliya ee sanadkan, ayaa waxaa ay dhalisay in ay adkaato helista biyo la cabo iyo caafimaad, waxaana u dheeraa dadka abaaraha ay saameyeen cudurro ay kamid yihiin shuban biyoodka.

Horaantii sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo, ayaa ku dhawaaqay xaalad Musiibo Qaran, si wax looga qabto arrimaha bani’aadannimo ee ka jira dhammaan goobaha ay abaaraha saameeyeen ee dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu Bulshada Caalamka ka codsaday inay si deg deg ah uga jawaabaan musiibadan, si loo caawiyo qoysaska iyo shaqisyaadka ay abaaruhu saameeyeen.

 

Hargeysa Online