Doqon Baa Wakhtiga Jooga Iyo Garan Wadkeedee !
Posted by abdi on May 14 2017 23:17:33

Qaranimadu maaha calan maalinta 18 May la sudho manaaha xisbi la taageero ee curasha dareen weeyaan !


Extended News

Qaranimadu maaha calan maalinta 18 May la sudho manaaha xisbi la taageero ee curasha dareen weeyaan !

Waxa layidhii nimca kastaaba nuqsaan bay leedahay waxaana fahmi karaa qofkii nimcadaasi ka maqantahay ama waayay ama ay ka daahday....!

Nimcadu dadka way oga darta waanay kala dirtaa markaa yaqiinkeedu maqanyahay inoo ilaahay mooye qof kale bixin karin... waayadan danbena yaqiinkii ayaa geed ku laalmay markii qirashadiisi qaamuuski iimaanka laga saaray.

Dadka maanta dal nabad ah haysta, xoriyad haysta, hawa macaan haysta, nimca xalaala haysta, calan xora haysta, dhul xora haysta, ehel iyo qaraaba haysta waliba magac iyo karaama haysta , tolow ma dawba cabashadu mise waa ku digasho......!

Qaranimadu maaha calan maalinta 18 May la sudho manaaha xisbi la taageero ee waa curasha dareen weeyaan, waa hibasho kaa maqan, qaranimadu waa qiiro qalbiga aan dhaafin kuna qoran ee maaha odhaah madhan , qofkii dareemaya yaqaana waxay tahay qaranimo iyo dawladnimo.....!

Qaranimadu waa qirashada dalkaaga, xukaamadaada iyo shacabkaaga ee maaha xisbi iyo shakhsi caabud.....! Qaranka ayaa ka horeeyay inaad xisbi taageertid waayo xisbi kastaba qaran baa dhisa aduunka iyo meel kastaba , xisbi aano qaran dhisina xisbi ma noqon karo.... markaa waxan aad oga yaabay dadkan xukumada iyo dalkaba aflagaadeenaya maxay xibsi u tari karaan miyaanay ogeen xisbigu inoo qaran yahay ama muxaafid ha noqdo ama mucaarid...!

Waxaan bulshada ka codsanaya horta inay kala saaraan xisbi iyo xukuumad waayo xisbi  waa aalada ogu weyn aaladaha qaranka dhisaa markaa hadii xisbigu noqdo xisbi  aflagaadu iyo cay fara badan leh wuxu dhaawacaya qaranimada iyo jiritaankeena dawladnimo.....

 

Maxaan qurbooy dartaa

Wax badan doqonimo qaatay

Dhibtaada dunida iyo

Xumaan anigoo digtoon

Maxaan dusha saarta yoo

Qof ii daran soo dhaweestay !

Maxaan qurbooy dartaa

Dulqaad iyo samir dugsaday

Darajo rabii baa baxshee

Anoo danbi ruux ka galin

Maxaan xuma diidayoo

Wanaag iyo doortay nabad !

 

Samia Muse