Qarax ay ku dhinteen Saddex askari oo ka dhacay Muqdisho.
Posted by abdi on May 17 2017 21:42:15

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay Qarax gaari oo maanta ka dhacay nawaaxiga isgoyska Xaawa-taako ee degmadda Wadajir.


Extended News

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay Qarax gaari oo maanta ka dhacay nawaaxiga isgoyska Xaawa-taako ee degmadda Wadajir, sida Afhayeenka Gobalka Banaadir uu sheegay.

 
Gaariga ayaa la sheegay in ciidammada ammaanka ay gacanta ku dhigeen ka hor inta uusan Qarxin, waxaana la sheegay inta uu baaritaanka socday inuu Qarxay Gaariga.
Ciidanka dowladda ayaa howlagallo ka wadda nawaaxiga xaafadda Xaawa-taako oo ah halkii uu Qaraxa ka dhacay.
Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegatay in Qaraxa ay ku dileen saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidanka dowladda.
Isniintii lasoo dhaafay, ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii gaari uu ku qarxay degmadda Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.
Qaraxa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga xaruuntii xoogga korontada ee degmadda Xamar-weyne ee magaalladda Muqdishu.
Ciidanka dowladda ayaa ka hortagay gaariga, waxaana dadka ay ku wargeliyeen in ay ka fogadaan halkii uu gaariga yaallay, sida dad goobjoogayaal ay sheegeen.
Hay’adaha amniga ayaa hubisey in gaariga laga shakiyey laga fogeeyo shacabka si uusan waxyeelo u geysan. Hay’adaha Miino-Baarista oo u soo socda goobta ayaa gaarigu qarxay, sidaasi waxaa sheegtay dowladda Soomaaliya. 
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay shacabka inay si buuxda u taageeraan hay’adaha amniga si loo sugo ammaanka dalka Soomaaliya.

 

Hargeysa Online