Dowladda Somaliya oo digniin ka soo saartay weerarada Internet-ka
Posted by abdi on May 17 2017 21:54:46

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolijiyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii u horeysay war ka soo saartay weerarada dhinaca Internet-ka ee lagu qaaday.


Extended News

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolijiyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii u horeysay war ka soo saartay weerarada dhinaca Internet-ka ee lagu qaaday. illaa 150 dal, taasoo ay xustay inuu xataa saameyn karo Soomaaliya.

 
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Boostada, Isrgaasiinta iyo Teknoolijiyada ayaa shacabka uga digtay khatarta Virus-ka ku sii fidaya Adduunka.
Waxaa lagu tilmaamay in Virus-kan uu yahay kii ugu saameynta badnaa, kaasoo gaaray illaa 150 dal oo dunida.
Meelaha laga soo sheegay Viruska ee ugu dhow Soomaaliya ayaa ka mid ah dalka Kenya oo deris nala ah, sida lagu yiri qoraalka.
Weerarkan Virus-ka wuxuu aalaaba ku faafaa dhinaca Email-ka, wuxuuna kaa xirayaa Computer-ka, iyadoo lagu weydiisanayo inaad bixiso lacag madax furasho ah (Ransom), si laguugu furo.
Waxaa warka qoraalka lagu sheegay inay suura gal tahay in Soomaali badan ay ku dhacaan dabinkaan, sidaas darteed waxaa lagu baaqay in laga digtoonaado.

 

Hargeysa Online