Amina Muuse Weheliye oo ka Sheekeysay Gumaysi uu 12 Sanno Yusuf Garaad ku hayey.
Posted by ifraax on May 20 2017 21:50:17

Ma garanaayo ilaa iyo haddatan la joogo oo muddo dheeri ka soo wareegatay sababta uu ninkaasi igu maagay.


Extended News

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ma garanaayo ilaa iyo haddatan la joogo oo muddo dheeri ka soo wareegatay sababta uu ninkaasi igu maagay, mana garanaayo waxa aan ka bi’iyey, wuxuuse iigu xadgudbay si weyn, wuu i ciilay anigoo weliba ku nool dal aan la isku ciili karin oo sharcigu ku xoog badan yahay, malaha Soomaalinimadaan ugu turayee, malaha dumarnimadaa i nugleysiisay, malaha shaqada ha waayin baan is lahaaye, malaha dalkaagi dagaal baa halakeeyey shaqana kama jirto ee halkaan isku dhaji baan is lahaa, malaha caruur baad korsataaye ceyr ha mudan baan is lahaa, malaha, malaha, malaha ma garan karo sababta aan intaas oo dhibaato ah ugu dul qaatay, mudo sidaas u dheer.
Wuxuu igala dagaalay in aan horuumaro dhanka shaqada, wuxuu geed dheer iyo geed gaaban u istaagay in aanan dallicin, wuxuu ku tuntay xuquuqda asaasiga ah ee shaqaalenimo, kaligeyna ma ahayne badanaa shaqaalihii kale oo ila shaqeynaayey ayuu ku wada xadgudbaayey, laakiin aniga teydu waxey ahay maalin kasta, ma istaagto soo taagan oo aanu maalinna fasax ka qaadan, wuxuu noqday qofka ugu badan oo aan ka welwelo har iyo habeen muddo kow iyo toban sannadood ah oo uu madax ii ahaa.
Subaxdii markaan hurdada ka tooso oon shaqada isu diyaarinayo, waxaan la fekeri jiray bal waxa aan maanta kala kulmi doono, siduu iila dhaqmi doono, intaan shaqada u sii socdo oo aan trainka sii saaranahay, waxaan ka welweli jiray sida maalinteydu noqon doonto, markaan shaqada soo dhameeyo intaan aqalkeygii u sii safraayana waxaan ka ilmeyn jiray uurka iyo indhahaba wuxuu maalintaas igu sameeyey, siduu iila dhaqmay iyo siduu ii bahdilay.
Wixii i soo maray aniga iyo Ilaah iyo isaga igu gabood falay uun baa og, waase lama ilaawaan,waxaan xadgudbyada uu igula kacay ku mutay xanuun weyn, waxaana noqday dhibane aan cid difaaceysaahi jirin, ma hubo in aan cafin doono iyo in kale balse waxaan hubaa in aanan ilaawi doonin xasuusta mahadhada ah ee ay ugu reebeen xadgudubyadaas uu igula kacay nin ka madax ah meel yar oo iskaba kooban, shaqaale aan ka badneyn gebigoodaba 20 qof  ka shaqeeyaan, waase mahadho taariikhi ah.
La soco qormooyin taxane ah oo ah qiso dhab ah oo aniga i qabsatay.

 

W/Q: Amina Muuse Weheliye.