Qarax ka dhacay agagaaraha dekedda magaalladda Muqdisho.
Posted by abdi on May 24 2017 21:44:40

Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha Qarxa ayaa ka dhacay nawaaxiga dekedda magaalladda Muqdishu.


Extended News

Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha Qarxa ayaa ka dhacay nawaaxiga dekedda magaalladda Muqdishu, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay meel u dhow maqaayad ku taalla agagaaraha Xerada Sheelare oo aan ka fogeyn Dekedda weyn ee Magaalladda Muqdisho.


"Afar qof ayaa ku dhintay Qaraxa, 10 kalana waa ay ku dhaawacmeen" sidaasi waxaa yiri taliyaha ciidamada Police-ka ee Gobolka Banaadir.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa wadda howlgallo gurmad ah oo loo sameynayo dadka khasaaraha uu kasoo gaaray Qaraxa.

Xaruumaha caafimaada ee magaalladda waxaa la geeyay dad qaba dhaawacyo kala duwan.

Wadadda KM4, ayaa waxaa lagu arkayaa gawaaridda gurmadka deg-dega ah, kuwaas oo ay saaranyihiin dhaawacyo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa, dhinaca kalana dowladda wali kama aysan hadlin Qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.

Hargeysa Online