8 Qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday Qobolka Missipi ee dalka Mareykanka
Posted by ifraax on May 29 2017 20:21:44

Rasaasayn habeennimadii ka dhacay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa horseeday in ay ku nafwaayaan siddeed ruux.


Extended News

Rasaasayn habeennimadii ka dhacay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa horseeday in ay ku nafwaayaan siddeed ruux oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka deegaankaas, sida uu booliisku sheegay.

 

 
Toogashada ayaa ka dhacday saddex goobood oo kala duwan oo ka tirsan deegaanka Lincoln County ee koonfurta Mississippi.
Nin laga shakisan yahay oo warbaahinta dalkaasi ay magaciisa ku sheegtay Willie Cory Godbolt ayay booliisku xireen subaxnimadii Axadda.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in aysan wali sheegi karin waxa uu salka ku hayo dilkani.
Godbolt soddohdii, labo ruux oo ay qaraabo yihiin iyo William Durr oo taliye ku-xigeen booliis ah ayaa maydkooda laga helay goobta ay rasaasayntii koobaad ka dhacday ee Bogue Chitto, sida ay wararku sheegayaan.
Rasaasaynta labaadna waxay ka dhacday Brookhaven halkaas oo laga helay maydka labo dumar ah oo da'yar, sida ay booliisku sheegeen.
Goobta saddexaad ee ay toogashada ka dhacdayna waa Bariga Lincoln oo laga helay maydka nin iyo haweenay.

 

Hargeysa Online