Maayarka Degmada Boorama Iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka maxaa kala haysta.
Posted by abdi on May 31 2017 20:38:11

Somalidu waxay tidhaahdaa.Aadane gef lagama waayo.  Maayarka Degmada Boorama Iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka maxaa kala haysta.


Extended News

Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Boorama ayaa la  Daala dhacaya mooshin Xilka Ka Qaadisa oo ay kala Fadhi aan Caadi Aheyn ku dalbanayaan in ay xilka kaga qaadaan Mayirka Boorama Maxamed Xuseen Meydhane..


Xildhibaanada Golaha Deeganka oo tirade rasmiga ah mooshinka ku saxeexan Ayaan la garaneyn ilaa maanta inta ay yihiin.

 

Waxey xubnahan xildhibaanada warbaahinta ka sheegeen in hawshaasi mooshinku soo dhamaatey,kuwaasi oo eedo kala duwan u jeediyey Mayirka Boorama Maxamed Xuseen iyagoo ku tilmaamey in uu ku kacey hanti boob ama Musuq maasuq  iyo habacsanaan maamul oo soo food saartey degmada Boorama taasoo u baahan in wax laga qabto.

 

Maayirka Boorama Maxamed Xuseen Meydhane ayaa sheegey in Mooshinka xilka ka qaadista wadaan xildhibaanadu uuna sharciga waafaqsaneyn   isagoo xildhibaanada qaarkood ku tilmaamey in ku kaceen wax isdabar marin taasoo uu ka soo saari qandaraasyo uu siiyey xubin ka mid xildhibaanada Golaha Deegaank

Xiisada iyo xasarada ka oogan degmada ee u dhexeysa Maayirka iyo Xildhibaanada golaha deegaanka ayaanan  hada ka hadlin maamulka Gobolka Awdal iyo Wasaarada Arrimaha gudaha soomaliland oo arrimahani ay  Khuseeyaan .

Waxaanad moodaa in dawladu ay isku daawaneyso is qabqabsigan u dhaxeeya golaha degaanka borama si degmadu ay uga hadho xaga horumarka & wax qabadka magaalada sidaasi awgeed waa in si deg deg ah dawladu ay u dhameysaa khilaafka dhaxyaala golaha degaanka borama.

 

Balse Bulshada Magaalada ku dhaqan ayaa is weydiinayaa halka uu ku dhamaan doono khilaafka hadheeyey degmada Boorama ee u dhexeeya marwalba maamulka talada haya iyo xildhibaanada Golaha Deegaanka Boorama .

Hadaba Suaasha Is Weydiinta Mudan Waxa Weeyi Maxaa Kala Heysta Xildhibaanada Golaha Deegaanka Boorama iyo Maayirka Magaalada Boorama ?

Su,aasha kaleh ee ku haboon in la is weydiyaa waxay tahay arinta ma waxaa dabada ka riixaaya maayarkii hore ee degmada borama afarjeeble? Oo aan marnaba ka quusan inuu marlabaad ku soo laabto maayarnimo inuu ka noqdo degmada borama.

 

 

Allaa mahad leh

By maxamed jeex

Brussels Belgium.