Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo maanta booqday magaaladda Boorama ee gobolka Awdal.
Posted by abdi on June 03 2017 22:37:40

Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah gudigii wada hadaladda Khaatumo iyo Somaliland.


Extended News

Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah gudigii wada hadaladda Khaatumo iyo Somaliland ayaa maanta booqday magaaladda Boorama ee gobolka Awdal.

Hogaamiyaha Khaatumo Cali KHaliif Galayr waxaa safarkiisa uu Boorama ku tagay ku wehelinayey gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Ibraahim Habanne, iyo Wasiiru dawlaha Waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan iyo mas'uuliyiin kale oo ka mid ah KHaatumo.

Wafdiga ayaa ugu horeyn booqday Jaamacadda Camuud oo ah Dugsigii uu wax ku soo bartay Cali Khaliif Galayrh, sidoo kale waxaa ay weftigani ay soo booqdeen qaybo ka mid ah magaalada Borama .

2017636363208477937533487uu99922.jpg

201763636320847873399445389ww.jpg

2017636363208479620746332333.jpg

201763636320848141055887389932.jpg

2017636363208482357266073899900.jpg

2017636363208483408073328777222.jpg



Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Saleebaan Axmed Guuleed oo dugsigii sare ee Camuud isku soo gaareen Prof Cali Khaliif Galayr ayaa ka warbixiyey socdaalka weftigan.

“Cali Khaliif Galayrh ayaa maanta nagu soo booqday Jaamacadda Camuud, imika uguma horayso ee wuu iman jiray, waxaanu dugsigii sare ee Camuud uu Cali Khaliif Galayr uu soo gallay 1958 oo sanad buu iga horeeyey, magaaladda aad buu u kala yaqaanay, hoteelkan Harowo ee Boorama waxaa u magac bixiyey Cali Khaliif Galayr iyadoo wakhtigaasi tartan loo galay magac bixintiisa”ayuu yiri gudoomiyaha Jaamacada Camuud Saleebaan Axmed Guuleed.

Weftigan ayaa muddo laba cisho ah ku sugnaan doonna magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxaana safarkan lagu sheegay mid uu hogaamiyuhu ku booqanayey dugsigii sare ee caruurnimadiisii.

 

Hargeysa Online