6 Milyan oo Cunto Nafaqaysan oo Soomaaliya loo Baceenayo, Minnesota,MN
Posted by abdi on June 03 2017 22:49:58

Ilaa dad gaaraya ku dhawaad 3 kun oo qof ayaa isagu yimi magaaladda St paul Xarunta wayn ee Exel Engery si ay u baceeyaan cunto gaaraysa 6 milyan oo cunto ah.


Extended News

Ilaa dad gaaraya ku dhawaad 3 kun oo qof ayaa isagu yimi magaaladda St paul Xarunta wayn ee Exel Engery si ay u baceeyaan cunto gaaraysa 6 milyan oo cunto nafaqaysan ah oo la geeynayo Soomaaliya.


waxaa barnaamijkaan oo socon doona mudo 4 cisho ah ugu deeqay cuntadaan hay’ada Feed My Starving Children'oo fadhigeedu yahay Gobolkaan Minnesota.


Soomaalida Gobalka Minnesota ayaa kaalin muhiim ah ku lahaa dadaaladii ay qurba joogta Soomaalidu ugu gurmanayeen abaaraha Soomaaliya, waxaana ay shalay si aad ah uga soo muuqdeen goobta.


Dadka sida mutadawacnimada ah u baceynayay cunnada loo dirayo ayaa isugu jiray caruur aad u da’ yar, dhalin yaro iyo duqeey isagu jiray Soomaali iyo Maraykan, waxaase dadka soomaaliyeed u badnaayeen dhalinyarada Iskuulada iyo jaamacadaha dhigta oo koox koox u soo galaayay goobta iyagoo iskood isku soo xilqaamay.

Daawo Video

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulahi (TIICEY) ayaa Hargeysa Online u sheegay in ilaa 12 arday oo ay wada dhigtaan Normandale Community college markii ay idaacadaha ka maqleen ay go’aansadeen in aan maalin walba ka qayb qaataan bacaynta cuntada Maantana ay aad ugu faraxsan yihiin inay qayb ka yihiin dadkaan kala duwan.
 

Cabdirisaaq Biixi oo ka mida dadka u dhaqadhaqaaqa arimaha Soomaalida Minnesota ayaa baaq u diray dadka Soomaaliyeed eendagan Minnesota inay soo camiraan maalmaha haray , waxuuna yiri waa inaan si aada uga dhex muuqanaa hadii dad Soomaaliyeed oo Abaari dilootay wax la siinayo.


Hay;adaan Feed my Starving Children maaha markii ugu hareysay ee Soomaaliya u dirayso cuntada nafaqaysan ee hore waxay ugu dirtay in ka badan Labaatan Konteenar iyagoo qaar ka mida cuntooyinka ay direen la qaybinaayay maalmahaan sida ay meesha ka sheegeen saraakiisha hay'ada.


Hargeysa Online