Caasimada Hargeysa oo markii ugu horeysay fuliyey Qaliin xaga maskaxda ah.
Posted by abdi on June 07 2017 00:02:22

Isbitaalka Hargeysa ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay in uu sameeyo qaliin ka mid ah kuwii markii hore dibada loo aadi jiray.


Extended News

Isbitaalka Hargeysa ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay in uu sameeyo qaliin ka mid ah kuwii markii hore dibada loo aadi jiray, kaddib markii kiiskii ugu adkaa ee qaliin xagga maskaxda ah ay ka fuliyeen magaaladda Hargeysa.

Cisbitaalka Hargeysa waxaa la soo dhigay wiil ay xabaddi kaga dhacday madaxa oo ay dhex fadhiistay maskaxda, iyadoo labo qeyb ka dhigtay lafta dhahaarka madaxa.

Agaasimaha cisbitaalka Hargeysa Axmed xaaji cumar askar ayaa sheegay in kiiskan qalliinka lagu sameeyey uu ahaa mid khatar badan,isla markaana uu ilaahay u guuleeyey, waxaanu u mahadnaqay waalidkii taladoooda qaatay ee markii hore aaminsanayn in wadanka dhexdiisa wax laga qaban karo.

Askar oo faahfaahinaya qaliiinka khatarta badnaa ee ay ku guulaysteen waxa uu yiri “ arrintani waxay ahayd arrin layaab leh, waxa wax lagu cabiraa dhaawacu inta uu leegyahay ayaa lagu qiyaasa inuu badbaadayo iyo in kale, wiilkan dhaawac xoog weyn ayaa ku dhacay oo faliidho ayaa maskaxda gudihiisa galllay, madaxdiixiisuna wuu kala dhalmaday, xabaddii ku dhacday waxay u kala jeexdii sidiii xabxab midi lagu kala jeexay oo laba u kala qaybsamay, madaxa hilaac baa gaadhay, arrimo mucjiso ayey ahayd oo aad u adag kiiskaasi.”

201766636323146514813662wiilka_xabada_maskaxda_laga_soo_saaray.jpg

 

201766636323146641486881wiilka_xabadda_maskaxda_labadda_dhinac_u_kala_qaybisay_ee_la_dabiibay.jpg

201766636323146729986261cisbitaalka_hargeysa_oo_qaliin_adag_sameeyey.jpg

“ Guusha waxa leh ilaahay, dhakhaatiirtuna aad bay ugu dadaaleen, taladdii uu waalidku qaatayna way wanaagsanayd oo waxay yidhaahdeen meelo kale ayaanu u qaadanay, anaguna taladda waxaanu ku siinay inay halkan u daayaan, maanta waa kan wiilki cagiisa ku socda”ayuu hadalkiisa raaciyey agaasimuhu.

Cisbitaalka Hargeysa ayaa marba marka ka dambaysa horumar laxaad leh ku talaabsanya, waxaana la keenay qalab aad u faro badan oo la jaanqaadi kara caalamka.

Hargeysa Online