AMISOM iyo Al Shabaab oo madaafiic isku weydaarsaday Sh/Hoose.
Posted by abdi on June 10 2017 15:19:27

Xarakadda Al Shabaab ayaa xalay Madaafiic ku garaacay saldhigyo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Number 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose.


Extended News

Xarakadda Al Shabaab ayaa xalay Madaafiic ku garaacay saldhigyo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Number 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamadii madaafiicda lagu garaacay in iyagana ay madaafiic kale ay ku jawaabeen.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay madaafiicda waxaana dhinaca kale saaka deggan xaaladda degaanka.

Bishii May ee lasoo dhaafay, Al shabaab iyo Ciidamada AMISOM ayaa sidan oo kale madaafiic isku weydaarsaday degaan duleedka ka ah Magaalladda Muqdisho.

Weerarka madaafiicda waxaa uu ka dhacay xaafadda Arbacow oo ka tirsan degaanka Ceelasha biyaha.

Madaafiicda AMISOM ay ku jawaabeen ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Dad shacab ah oo hoobiyaasha ay guryahooda ugu tageen halkaaas oo ugu yaraan 2 ruux ay ku geeriyooday.


Hargeysa Online