Faahfaahin Dadkii lagu dilay weerarkii maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats.
Posted by abdi on June 15 2017 22:47:06

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen halka 26 kalena ay ku dhaawacmeen.


Extended News

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen halka 26 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii Al Shabaab ay weerareen maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats.
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa goordhaweyd soo gaba-gabeeyay weerarkii Al Shabaab, waxaana saraakiisha ay sheegeen in ay wada dileen dhamaan dagaalamayaashii weerarka soo qaaday.
Weerarkii xalay waxaa uu ku bilowday baabuur uu watay qof isa soo miidaamiyey, waxaana xigay dablay hubaysan oo gudaha u gashay Pizza House. 
 
Labada maqaayadood ee la weeraray ayaa ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, waxaana ay yihiin kuwo iska soo horjeeda.

201761563633103878433930619198288_10207601778202741_510962470_n.jpg

2017615636331040123386281mogadishu-weerar-pizza-house-4-740x430.jpg

201761563633104073482598419198394_10207601778482748_875878303_n.jpg

201761563633104081636408919184308_10207601766722454_436681825_n.jpg

201761563633104113449142519198425_10207601765562425_139705753_n.jpg

201761563633104124495036619198501_10207601779002761_438010927_n.jpg

201761563633104133558351919206160_10207601766602451_1916511482_n.jpg

201761563633104155325918119239452_10207601766482448_644970984_n.jpg

20176156363310416287655432017615636330953289749882xildhibaanadda20saylac.jpg


Afhayeenka Wasaaradda amniga Somaliya Axmed Maxamed Maxamuud Carab ayaa Warbaahinta u sheegay tirada dhimashada dadka in ay gaarayaan 18 ruux oo shacab ah oo mid ka mid ah uu yahay ruux Ajnabi ah.
Afhayeenka ayaa sheegay in dadka la dilay ay ku jireen 7 gabdhood oo dhallinyaro ahaa, kuwaasi oo ku sugnaa maqaayadda weerarka ay ku qaadeen ururka Al -shabaab.
Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa sheegay dhaawaca dadka shacabka ah soo gaaray in ay gaarayaan illaa 19 ruux, waxaa uu sheegay inaysan jirin cid dowladda ka tirsan oo halkaasi joogtay ama bartilaameedka uu ahaa, balse Al-Shabaab ay bartilmaamedsanayeen dadka rayidka ah.
Waa goobo noocee ah maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats?
Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats, ayaa waxaa ay safka hore kaga jireen maqaayadaha ugu quruxda badan ee ku yaalla magaalladda Muqdishu, waxaana maalmaha Jimcaha iyo Khamiista loo aadi jiray dalxiis, damaashaad iyo sawiro in lagu soo gallo maadaama ay aad u qurxanaayeen.
Todobaad kasta dhamaadkiisa, waxaa u daawasha tagi jiray carruur badan iyo waalidiin. 
Weerarka lagu qaaday maqaayadaha ayaa imaanaya xili ciidanka xasilinta amniga caasimada, ay wadaan howlgallo is-daba joog ah oo lagu adkeynayo ammaanka magaalladda Muqdishu. 

 

 

Hargeysa Online