Ra'iisal wasaare Kheyre oo la kulmay wasiirka ka socda dalka UK.
Posted by ifraax on June 17 2017 22:24:42

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee UK.


Extended News

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee UK Ms Priti Patel
Kulanka labada dhinac ayaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin taageerida UK ee Soomaaliya iyo sidii horumarka ay ku tallaabsaday dowladda Soomaaliya loo xoojin lahaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay doorka UK ka qaadaneyso dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

 

Arrimaha sida gaarka ah ee diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah kulanka maalgashiga iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka oo dhowaan la qaban doono.
 Dowladda Ingariiska ayaa dhowaan marti-gelisay shir caalami ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, kaasoo bishii la soo dhaafay ka dhacay magaalada London.


Hargeysa Online