Gabar Muslim ah oo la la'aa oo meydkeeda laga helay Gobolka Virginia.
Posted by abdi on June 19 2017 20:34:00

Booliska Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in xalay la helay meydka gabar Muslimad aheyd oo la afduubtay kadibna la dilay.


Extended News

Booliska Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in xalay la helay meydka gabar Muslimad aheyd oo la afduubtay kadibna la dilay.

Meydka gabadha ayaa looga tagay Masjid ku yaalla nawaaxiga Sterling. Ciidamada Booliska ayaa hadda waxaa ay gacanta ku hayaan nin 22-jir ah oo lagu magacaabo Darwin Martinez Torres, kaas oo lala xiriiriyay dilka gadhaasi.


Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabra Hassanen waxaana ay aheyd 17-sano jir.

“Nabra waxaa ay lugeyneysay dhabarka dambe ee xaruunta ADMS, gaar ahaan Masjidka meel aan ka fogeyn, waxaana ay la socotay saaxiibadeeda, musiibadana halkaasi ayeey ku qabsatay”, qof saaxiib la ahaa Nabra ayaa sidaasi yiri.

Ciidamada Police-ka ayaa markii ay heleen meydka waxaa ay xireen inta u dhexeeysa waddooyinka Dransville Road, 7 shopping center and Sugarland Road.

 

Hargeysa Online