Madaxweyne Siilaanyo Oo Salaadii Ciidal Fidriga Kula Tukaday Jaaliyadda Somaliland Ee Imaaraadka.
Posted by ifraax on June 25 2017 22:54:26

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, oo ku sugan imaaraadka Carabta ayaa salaadii ciidal fidriga ka dib Jaaliyadda reer Somaliland.


Extended News

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Axmed Maxamed Silaanyo, oo ku sugan imaaraadka Carabta ayaa salaadii ciidal fidriga ka dib Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan imaaraadka ku qaabiley Hotel ka uu ka degan tahay Abu-Dubai Madaxweynubu. Kulanka jaaliyadda uu madaxweynuhu la qaatay ayaa ahaa mid ay jaaliyadu nasiib u heshay inay la ciido madaxweynaha qarankooda oo kula sugan dalka imaaraadka, waxaana halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo jaaliyadda uga mahadnaqay sida qiimaha badan ee ay u barbar taagan yihiin horumarka dalka ka socda, gaar ahaan mashaariicaha kala duwan ee imaaraadku ka wado somaliland. Sidoo kale waxa isna qayb ka ahaa kulankaasi safiirka imaaraadka carabta u qaabilsan Somailand, md Baashe Cawil Cumar oo isagu ku suntan horumarka balaadhan ee ay somaliland ka samaysay waddamada carabta sida imaaraadka.

19260810_1337122923068224_8075942665252287949_n.jpg

19399024_1337124059734777_4468284825831989615_n.jpg

19399364_1337123943068122_8438254503635292935_n.jpg

19424439_1337122856401564_5928821235111478702_n.jpg

19430075_1337123293068187_8436988167682596151_n.jpg

19437512_1337123029734880_135972325440413547_n.jpg

19437553_1337124069734776_186867817349982816_n.jpg

Madaxweynaha oo maalmihii u danbeeyey ramadaan ku sugnaa Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda sarsare ee Imaaraadka Carabta, iyadoo la filayo inay ka wada hadlaan arrimaha mandaqada ka taagan wakhtigan oo ay Somaliland hore u cadaysay mawqifkeeda. Madaxweynaha waxa ku wehelinayay kulankan wasiirka xanaanada xoolaha, safiirka UAE ee Somaliland, la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda, Safiirka Imaaraadka iyO Safiir Ku xigeenka UAE iyo saraakiil kala duwan oo ka mid ah Madaxtooyada JSL.

 

Hargeysa Online