Caasimada Hargeysa oo laga xusay munasabada 26ka June.
Posted by abdi on June 28 2017 00:12:14

Iydoo 57- sano ka soo wareegtay markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay gobollada Waqooyi oo xoriyada ka qaatay gumeystihii Ingariiska.


Extended News

Iydoo 57- sano ka soo wareegtay markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay gobollada Waqooyi oo xoriyada ka qaatay gumeystihii Ingariiska, ayaa lagu waramayaa in magaalada Hargeysa xalay lagu qabtay munaasabada lagu maamuusayay 26ka June.


Munaasabadda oo ka dhacday aqalka madaxtooyada, ayaa waxa ka qayb galay madaxweyne ku-xigeenka, ahna ku-simaha madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Xisbiyada siyaasadda iyo dadweyne kale.

Madaxweyne ku-xigeenka oo munaasabad ka hadlay ayaa si ku dheeraaday halgankii adkaa ee loo soo gallay ka xoroobidii gumeystihii Ingariiska, isaga oo dhinaca kala soo hadal qaaday halka ay ku danbeeyeen wada hadaladii ay la lahaayeen dowladda Soomaaliya.

‘’Annaga waxaan diyaaru nahay in wada hadalkii Soomaaliya iyo Soomaaliland socdo, annaga oo mar walba ujeedadeenu tahay in labo dal oo walaalo ah oo Soomaaliya iyo Soomaaliland la yaraah ku heshiiyo walaalaheen’’ ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka.

Laakiin marka la eego munaasabada ka dhacday xarunta madaxtooyda Hargeysa ayeey dad badani aaminsan yihiin in aysan gaarsiineyn heerkii loo baahnaa marka la bar bardhigo munaasabad loogu dalaab-dagayay 26ka June oo habeen hore lagu qabtay xarunta dowladda ee hoose ee Muqdisho.

Hargeysa Online