Dawlada Soomaaliya Oo Si Weyn Uga Digtay Bariiska Caaga Ah Oo Lagu Arkay Suuqyada Muqdisho.
Posted by abdi on June 28 2017 23:22:28

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn uga digtay tayada alaabaha la soo galiyo dalka Wasiirka beeraha soomaaliya.


Extended News

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn uga digtay tayada alaabaha la soo galiyo dalka Wasiirka beeraha soomaaliya Siciid Xuseen Cige oo ka hadlaya tayada cuntooyinka la soo galiyo soomaaliya ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u malaynayaa in laga wada dharagsan yahay khatarta ay leeyihiin cuntada dalka la keenayo,  waxaana la keenay bariiska Caaga ah iyo keeg ka samaysan waxyaabo koolooyin ah, waxyaabahaasna waxaWasiirka beeraha soomaaliy Siciid Xuseen Cige oo maanta furay shir ka dhacay muqdisho oo lagaga hadlayey cuntada ayaa si weyn uga digay bariiska caaga ah oo lagu arkay suuqyada magaalada Muqdisho iyo keeg ka samaysan waxyaabo kiimiko ah

lagu xakayn karaa oo lagaga badbaadi karaa inaga oo raacna sharciga lagu ilaaliyo tayada waxyaabaha wadankeena soo galaya  ee beeraha ka soo jeeda iyo waxyaabaha aynu u dhoofinayno wadamada aynu leenahay bah wadaagta ganacsiga si aynu u wanaajino sumcada waxyaabaha aynu soo saarno.”Wasiirka Beeraha Soomaaliyo oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in dib loo hawl galin doono sharciyadii uu wadanku ku shaqayn jiray waxaanu mar kale yidhi “Wax kastaaba sharciga uuu baahan yahay waa in loo sameeyo sida aad wada ogtihiina golaha wasiiradu sharciyo badan oo muhiim ah  ayey ansixiyeen, waana in la soo celiyo saldhigii sharciga ee dalka wadankuna shuruuc yeesho, aad ayey muhiim u tahay in wadanku sharciyo yeesho oo shuruucdii wadanka boodhka laga jafo, kuwii hore u jirayna wax lagu kordhiyo.

 

Hargeysa Online