Safiirka dowladda Mareykanka oo gaaray Caasimada Hargeysa
Posted by abdi on June 29 2017 23:23:40

Wafti uu hoggaaminayay Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Nairobi Stephen Schwartz, ayaa maanta socdaal ku tagay magaalada Hargeysa.


Extended News

Wafti uu hoggaaminayay Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Nairobi Stephen Schwartz, ayaa maanta socdaal ku tagay magaalada Hargeysa.


Safiirka waxaa socdaalka ku wehelinayay madaxa hay'adda Maraykanka u qaabilsan caawimooyinka dibedda ee USAID.

Waftigan ayaa kulamo la yeeshay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliland, ahna madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici), golaha wasiirada iyo sidoo kale guddida doorashada.

Kulankaa Kaddib ayeey warbaahinta u sheegeen ujeeddada socdaalku in ay la xiriirto doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan iyo arrimo kale.

 

Hargeysa Online