Ra’iisal wasaare Kheyre oo Seychelles kala hadlay arimaha maxaabiista ay haysato.
Posted by abdi on July 04 2017 23:19:57

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya oo ka qeybgalay shir madaxeedka midowga Africa ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa.


Extended News

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya oo ka qeybgalay shir madaxeedka midowga Africa ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa ayaa dhinaca kale halkaa kulan kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka wadanka Seychelles oo ay ka wada hadleen xaalada maxaabiista Soomaaliyeed ee halkaa ku xiran.


Ra’iisal wasaaraha ayaa u sheegay mas’uulkan ay is arkeen in dowladda Soomaaliya u baahan tahay in lagu soo wareejiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee halkaa ku xiran.

‘’Waxaan ku heshiinay dowladda Seychelles in aan wada saxiixano heshiis si ay noogu soo wareejiyaan maxaabiista Soomaaliyeed ku xiran wadankooda’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Kulanka kaddib ayaa la sheegay in labada mas’uul kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah oo hor dhac ah u wada hadal labada dhinac ay ka yeelanayaan arimaha maxaabiista.

Taallabadan ayaa imaneysa kaddib markii ra’iisal wasaare Kheyre dowladda Itoobiya kala wareegay 120 maxaabiis Soomaaliyeed ah oo dalkaa ku xirnaa, kuwaa oo la filayo in dhawaan soo gaaraan magaalada Muqdisho.

 

Hargeysa Online