Ra’iisal wasaare Kheyre oo la kulmay wasiirka arimaha dibada Sacuudiga.
Posted by abdi on July 05 2017 21:56:19

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda boqortooyada Sacuudi Carabiya Caadil Al-Jubeir.


Extended News

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda boqortooyada Sacuudi Carabiya Caadil Al-Jubeir.

Kulanka labada mas’uul oo ahaa mid saacado badan qaatay albaabadana ay u xirnaayeen ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee Sacuudiga iyo Soomaaliya.


Ra’iisul wasaaraha ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Wasiirka arimaha dibadda Sacuudiga ayaa booqasho ku maraya wadamo dhowr ah oo Afrikaan ah si uu taageero ugu raadiyo go’doominta la saarayo Qatar.

Sacuudiga ayaa wali ku cadaadineysa qaar ka mid ah dowladdaha qaarada Africa qaadashada go’aan ka dhanka ah Qatar oo ay qaateen dalalka xulufada la ah Sacuudiga.

Wafdi wasiiro ahaa oo bishii hore tagay Sacuudiga, si ay wasiirada dhiggooda ah ula soo saxiixdaan mashaariicda horumarineed ee Sacuudiga u balan qaaday Soomaaliya ayaa waji gabax kala soo kulmay, kaddib markii lagu qaabilay heer ka hooseya sidii ay markii hore filayeen.

Sacuudiga, Imaaraadka Carbta, Baxreyn iyo Masar ayaa bishii hore xiriirka diblomaasiyadeed u jraya Qatar, iyagoo saaray xayiraad ganacsi, kana xirtay xuduudahooda badda, berriga iyo hawada, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageero dhaqaale siiso Argagixisada.

 

Hargeysa Online