Cali Khaliif oo ku Hanjabay hadii dib loo dhigo shirkii Burco inuu wada Hadalku baabi’i dono.
Posted by abdi on July 05 2017 22:02:08

Cali Khaliif Galeydh Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo warbaahinta kula Hadley magaalada Widh Widh ee gobalka Buuhoodle.


Extended News

Cali Khaliif Galeydh Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo warbaahinta kula Hadley magaalada Widh Widh ee gobalka Buuhoodle waxaa uu ku hanjabey hadii ay Somaliland dib u dhigto wada hadalkii Khaatumo iyo Somaliland ee loo balan Sanaa in bishan 5 teeda uu ka qabsoomo magaalada Burco in gabi ahaan wada hadalkii Somaliland Iyo Khaatumo uu Baabi Doono.


” Shir kayagu waxuu ahaa bishan 10 keeda , Burco ayaana uu ahaa anaga ayaa ku wada heshiinay , iyagu kama bixi karaan , hadii ay ka baxanaa wada hadalkii oo dhan bay ka baxeen , dibna uma dhigi karaan , shirkuna wax aanan ku heshiin ma noqon doono ” ayuu yidhi

Sidoo kale Madaxweyne Cali Khaliif ayaa waxaa uu si kulul ugu hanjabey Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ay isku deegan ka soo jeedan kaas oo uu sheegay in uu hore uga xishoodey

” Waar Faratoon waanu ka xishoonay , Waar Fardi ahaan baan uga xishoonay , Wasiir ahaan baan uga xishoonay , Waar isagu waxan uu la soo taagan yahay ee kolba uu la leeyaha Khaatumo ma jirto oo waa Cali Khaliif iyo Afar Kale , Waar isagu yaa uu haystaa , isaga Siilanyo ayaa Magacaabey , Siilanyo ayaana uu mushahar ka qaata Waxu watan ma naqaan ” ayuu yidhi Madaxweyne Cali Khaliif.

 

Hargeysa Online