Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Hadley Xadhiga Wariye Cumar Seerbiya.
Posted by abdi on July 08 2017 22:55:51

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa waxaa uu iminka ka Hadley xadhiga Wariye Cumar Seerbiya.


Extended News

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa waxaa uu iminka ka Hadley xadhiga Wariye Cumar Seerbiya oo maanta ciidamada Amaanka Xabsiga Dhigeen ka dib markii uu madaarka Hargeysa ka soo degay.


Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada amaanku u xidheen saxafigan raad raac ay wadaan ciidamada Sirdoonku isla markaana goor dhaw  la filaayo in ay soo baxaan warar kale oo ay wax iska bedelaan xadhiga wariyahan waxaana u yidhi

Halkan ka daawo

” Waxaan Ogahay in wariyahaas la xidhay , sababo ayaana  dawladu u xidhay oo sabab la,aan umay xidhin oo qolyahay sirdoonka iyo Boolisku raad raac ay hayaan uun bay u xidheen waxaase iminka igu soo noqonaya oo aan sugayaa  warar laga yaabo in ay arintaas wax iska bedelaan oo ilaa mar dhaw baan war sugayaa” ayuu yidhi Wasiirku

Hargeysa Online