Burcad badeeda oo la tuhusan yahay in ay taageeraan ururka Daacish.
Posted by abdi on July 11 2017 23:49:37

Kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa lagu eedeeyay in ay taageeraan Ururka Daacish ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya.


Extended News

Kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa lagu eedeeyay in ay taageeraan Ururka Daacish ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya.


Hay’adaha Caalamiga ee falanqeeya Arrimaha argagixisada ayaa waxaa ay sheegeen in ay tuhunsan yahay in kooxaha burcadbadeeda iyo sidoo kale Ururka Daacish ee uu ka dhaxeeyo xiriir.

Warbixin dheer oo laga sii daayay TV-ga CNN ayaa lagu sheegay QM iyo sidoo kale dowladda Mareykanka ay ogyihiin in ugu yaraan labo Afduub Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay ka saacideen Kooxo Argagxiso.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida laga qaado tilaabo adag, maadaama ay khatartooda ay sii kordheyso.

Madaxda caalamka ayaa  cabsi weyn ka qabta in kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida in ay u xuubsiibtaan Argagaxiso.

Hoggaamiyeyaasha Kooxaha Burcadbadeeda ayaa horay loogu eedeeyay in ay taageeraan Al-Shabaab iyo sidoo kale Al-Qaacida.

 

Hargeysa Online