Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal Tacsi ah u diray boqorka Sacuudiga.
Posted by abdi on July 15 2017 22:45:18

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah u diray Boqorka Sacuudiga.


Extended News

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah u diray Boqorka Sacuudiga, isagoo uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Amiir C/raxmaan Bin Cabdul Casiis oo ka tirsanaa Qoyska Boqorka.


Dhambaal tacsi ah oo lagu qoray bogga Twitter-ka ee Villa Somalia ayaa waxaa Tacsi loogu diray Qoyska iyo shacabka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wakiil ka ah Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa wuxuu Alle ugu baryay inuu Janada Fardowso ka waraabiyo Amiirka Dhintay, sidoo kalana uu samir ka siiyo dowladda iyo shacabka uu ka baxay”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay Bogga Twitter-ka rasmiga ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga rajeeyay Badbaado iyo Caafimaad qab Masuuliyiinta iyo Shacabka Boqortooyada Sacuudiga.

 

Hargeysa Online