Xisbiga Wadani oo Barakacayaasha Duleedka Salaxlay isla soo Sawiray halkuu deeq gaadhsiin lahaa.
Posted by abdi on July 14 2017 05:00:00

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan saraakiil sare sare.


Extended News

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) ayaa Sawiro la soo galay dadkii ay abaaruhu saameeyeen halkuu deeq gaadhsiin lahaa dadka barakacayaasha ku ah duleedka magaalada Salaxley oo ay soo haleeshay abaartii darneyd ee wakhtiyadii dhawaa ka dhacday dalka.

Murashax Cirro oo uu weheliyo Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir, ayaa markii uu halkaas gaadhay, waxa ay dadkaas danyarta ahi ku soo dhaweeyeen gacmo iyo qalbi furan iyaga oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada ay weftigaasi ugu yimaadeen dadka danyarta ah ee ku nool halkaasi.

20108603_1423601551053304_7778874468134022962_n-1.jpg

 

19905011_1747246772239407_81203189622967854_n.jpg

19905162_1747246518906099_4612695339783595907_n.jpg

19905302_1747247548905996_7872577197071469702_n.jpg

19959094_1747247408906010_1447584053575060813_n.jpg

19959281_1747247398906011_7145165579207002513_n.jpg

19959441_1747247242239360_7761530840904599337_n.jpg

19961261_1747246778906073_3643612844983854826_n.jpg

19961397_1747246968906054_2433378265899512185_n.jpg

19989494_1747246975572720_3945538443514289389_n.jpg

19990123_1747246775572740_6331853063385260918_n.jpg

20032007_1747247235572694_7965932153608043248_n.jpg

20032007_1747247418906009_6700109919633354458_n.jpg


Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo isna dhankiisa la hadlay, ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin taariikhi ah maadaama oo uu guryahooda ku soo booqday dad danyarta oo ka soo qaxay abaarahii dalka ka dhacay, waxaana uu cod dheer ku sheegay in ka xisbi ahaan ay mar walba diyaar u yihiin siddii ay garab u la noqon lahaayeen dadka danyarta ah isaga oo sheegay in maanta ay ku deeqayaan Laba neef oo GEEL ah oo uu sheegay in loo qalo isla mar ahaantaana hilib ahaan looggu kala qeybiyo dadkaas danyarta ah iyo weli ba sida oo kale labo booyaddood oo biyo ah oo iyaga na uu ugu tallo galay in ay isticmaalaan dadkaasi.

Qaar ka mid ah dadkaas danyarta ah oo iyagu na la hadlay, ayaa ka mahad-celiyey deeqdaas uu soo gaadhsiiyey cabdiraxaman Ciro iyaga oo ugu duceeyey in Alle u fududeeyo waxa uu doonaayo.

 

Hargeysa Online