Doon siday 90 qof oo Qaxooti Soomaali ah oo ka yimid Yemen oo dekadda Berbera soo gaartay.
Posted by abdi on July 16 2017 22:18:12

Doon siday illaa Sagaashan qof oo qaxooti Soomaali ah oo ay ku jiraan 12 qof oo ka mid ah dadkii ka badbaaday doontii Xeebta Yemen.


Extended News

Doon siday illaa Sagaashan qof oo qaxooti Soomaali ah oo ay ku jiraan 12 qof oo ka mid ah dadkii ka badbaaday doontii Xeebta Yemen diyaaraduhu ku doqeeyeen Bishii 3aad ee sanadkan oo intooddii badnayd ku geeriyoodeen weerarkaasi xaga cirka kaga yimid ayaa soo gaadhay dekadda Berbera.


Qaxootan oo 12 qof oo dhaawac ahi la socdaan ayaa laga soo dajiyey,isla markaana la dajiyey goobo ay xukuumaddu ugu tallogashay inay saddex cisho ku nastaan, taas oo ay iska kaashadeen xukuumadda, unicef iyo IOM.

“ Dadkan qaxootiga ahi waxay ka yimaadeen Yemen, waxa ku jira shan qof oo jajaban oo ay biro ku jiraan, saddex qofna ay go’an yihiin xubnaha jidhkooda, waxa kale oo jirta gabadh ku indho beeshay oo doontii la wareeray la socotay, inta kale way wanaagsan yihiin, wixii kale ee xanuunsaday xaaladoodda waanu la tacaali doonnaa”ayuu yidhi Cabdiqaadir Axmed oo ka socday hay’adda IOM oo ka warbixinayey dadkan qaxootiga ah

Umal Khayr Casayr IIdaan waxay ka mid tahay dumarka ku indho beelay weerarkii doonta tahriibayaash ah lagu weeraray bishiii 3aad,waxaanay ka war bixisay sidey wax u dhaceen iyadoo ka waramaysa waxay tidhi “wakhtigaasi wakhti aad u xun buu ahaa, bishii 3aad ee sanadkan anagoo badda dhexdeeda marayna ayaa qarax la nagu dhuftay, dadkii badi way wada dhinteen, badhka way ku dhaawacmeen, qaarna way ku indho beeleen, aniga indhaha waxa igaga dhacay Shiidaalkii Doonta, iyo rasaasihii la inagu ridayey, weerarkuna wuxuu bilaabmay sideed fiidnimo illaa kow iyo tobankii habeenimana way naga joojiyeen weerarka,”

Umal Khayr Casayr waxay sheegtay inay dadka rakaabka la socday doonta ay ahaayeen 145 qof, balse ay u badnayeen reer Togdheer oo lixdan ka mid ahaayeen reer Togdheer.

Haweenay kale ayaa iyaduna sheegtay in ay shilkaasi ku geeriyoodeen 42 qof oo iskugu jiray 31 rag ah iyo 11 dumar ah, waxaanay sheegtay inay iyadu xabaddi kaga dhacday naaska iyo labadda lugood oo ay ka jaban tahay.

Dadkanka ka soo badbaaday weerarkaasi arxan darradda ahaa ee ay gaysteen diyaarado loo malaynayo inay ahaayeen diyaadaha isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ee dagaal kula jira xuutiyiinta Yemen ayaa intii ka badbaaday soo gaadhay magaaladda Berbera, waxaana dadkaasi la gaadhsiin doonaa qof walba deegaankiisa.

Hargeysa Online