Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Degaanka Balanbaal Ee Gobolka Togdheer Oo La Dhawacay.
Posted by abdi on July 16 2017 22:32:02

Wararka Ka Imanayaa Deegaanka Balanbaal Oo Ka Tirsan Hawad Gobolka Togdheer Ayaa Sheegayaa Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Degmadaasi.


Extended News

Wararka Ka Imanayaa Deegaanka Balanbaal Oo Ka Tirsan Hawad Gobolka Togdheer Ayaa Sheegayaa Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Degmadaasi Inay Dhawaceen Qaar Ka Tirsan Boolis Gobolka Togdheer Oo Gogal Xaadh U Ahaa Waftigii U Hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muusi Bixi Cabdi Oo Safar Ku Marayay Degaanada Hawad Gobolka Togdheer Oo Ay Ka Mid ahayd Degaanka Balanbaal Iyo Nasiye ,Taasi Oo Sababtayna In tageerayaal Ka Tirsan Xisbiga Wadani Ee Degaanadaasi Xabsiga Loo Taxabay Halka Albabada Loolaabay Xafiskii Xisbiga Wadani Kulahaa Degaankaasi,

Gudoomiyaha Deegaanka Balanbaal Mukhtaar Axmed Cali Xaad Ayaa Sheegay In Xabad lagu Dhawacay Gudoomiyii Xisbiga Wadani Ee Degaanka Balan Baal Halka Xabsi

Loo Taxabay Tageerayaal Gadhaya ilaa 5 qof  Isla Markaana La Xidhay Xafiiskii Xisbiga Wadani Ee Degaanka Balanbaal.

Sidoo Kale Waxa Xabsiga Loo Taxaabay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Deegaanka Nasiya Halka Xabsiga La Dhigay Tageerayaal Ka Tirsan Xisbiga Wadani Ee Deegaanka Nasiye Isla Markana Albabada Loolabay Xafiskaasi Waxana Hoos Loo Dhiggay Calanka Xisbiga Wadani,

Gudomiyaha Deegaanka Balanbaal Ayaa Ku Eedayay Inuu Falkaasi Ka Danbeeyeen Gudoomiyaha Degmada Burco Maxamed Muraad Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Oo Safar Ku Marayay Maanta Deegankaasi Kuna ABuuray Deeganada Nasiye Iyo Balanbaal Amaandaro.

 

Hargeysa Online