Diyaaro dron ah oo xalay duqeyn ka geystay degaan galbeed kaga toosan Kismaayo
Posted by abdi on July 18 2017 22:13:43

Diyaaro dagaal oo loo maleynayo in ay yihiin kuwa dowladda Kenya ayaa xalay duqeyn ka geystay degaanka Galashuunbi oo galbeed.


Extended News

Diyaaro dagaal oo loo maleynayo in ay yihiin kuwa dowladda Kenya ayaa xalay duqeyn ka geystay degaanka Galashuunbi oo galbeed kaga beegan magaalladda Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubada Hoose.


Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jiraan war kasoo baxay maamulka Jubaland, Al Shabaab iyo dowladda Kenya.

Mas’uuliyiinta degaanka oo aan la xiriirnay nooma aysan suuragelin in aan wax ka weydiino khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa duqeymo ka fulinayay degaanno ka tirsan Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya, sida saraakiil ay sheegeen.

Degaannada ay duqeymaha ka fuliyeen diyaaradaha ayaa waxaa ay kala yihiin Kabis iyo Sunuje oo jihada waqooyi kaga beeggan magaalladda Garbahaarey ee xarunta Gedo.

Cumaan Nuur Xaajji, oo ah Guddoomiyaha Gobolka Gedo, ayaa warbahinta u sheegay in duqeynta lagu beegsaday saldhigyo ay leeyihiin xarakadda Al Shabaab.


Hargeysa Online