Mabay curane maxay saluugtaa ! By: Samia Muse
Posted by ifraax on July 23 2017 06:36:58

Markaad saaxada siyaasada ku cusubtahay waxaad o baahantahay inaad casharo fara badan oo waayo aragnima leh aad barato.


Extended News

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Markaad saaxada siyaasada ku cusubtahay waxaad o baahantahay inaad casharo fara badan oo waayo aragnima leh aad barato, marxaladaasina waxay ku faraysaa inaad qof kastaba aad soo dhaweesato si aad waayo arag o noqotid ..!

Siyaasadu waa sida kubbada cagta oo markasta kooxaha aduunka waxay ku baratamaan inay markasta hantiyaan laacibka ogu miisaan culus saaxada ciyaaraha caalamka ah.... Laacibkaasi maalinta oo ka fadhiisto ciyaarta waa xiliga oo gaadho badana 33-39 jir, isla markaana ama tababare ayaa loo dalacsiiya ama wuxu noqdaa qof iska fadhiistay...!

Hadaba Maalintii aan maqlay dhaqdhaqii SNM waxaan maqli jiray labada magac ee kala ahaa Mujaahid Silaanyo oo ahaa Godomiyihi dhaq dhaqaaqi SNM iyo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Pilot iyo mujaahidiinti SNM ee xoreysay dalka.Carabtu waxay tidhaahdaa ( isaal al mujarib walaa tasaal al tabiib), micnaheedu waa waydii qofka wax soo tijaabiyay ee ha waydiinin dhakhtarka :

Dhakhtarku cilmi ahaan ayoo wixii o bartay, markasta dawada oo kuu qorayo wuxu ka eegaya booga caafimaadka ee horyaala si oo qiyaasta kugu fiican kuugu qoro laakin marnaba dawada ma tijaabinin isago ! Laakin ninka wax soo tijaabiyay markaad o sheegtid cilada ku haysaa wuxu isla markiiba kuu sheegaya dawadii kugu haboonayed waayo isaga ayaa soo tijaabiyay dawooyinka ogu fiican.

Markaa dalka waxa o dawa ah nimankii soo halgamay ee maanta na baray magaca Somaliland maantana waa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

 

Samia Muse