Dowladdaha Soomaaliya iyo India oo ka wada hadlaya dib u soo celinta maxaabiista.
Posted by abdi on August 01 2017 22:22:33

Wasiirka wasaarada arimaha dibada dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo gaaray dalka India ayaa kulan la yeeshay dhigiisa dalkaasSushma Swaraj 


Extended News

Wasiirka wasaarada arimaha dibada dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo gaaray dalka India ayaa kulan la yeeshay dhigiisa dalkaasSushma Swaraj , oo ay ka wada hadleen arimo la xiriira maxaabiista Soomaaliyeed ee dalkaa ku xir xiran.

 

Labada mas’uul ayaa ayaa ka wada hadlay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas India dib loogu soo celin lahaa dalka Soomaaliya, kaddib hehsiis ay horay u wada saxiixdeen labada dowladood oo dhigayay in maxaabiista Soomaaliyeed dib loogu soo celiyo dalkooda.

Heshiiskani wuxuu u saamaxayaa Dowladda Soomaaliya in iyada lagu soo wareejiyo 118 maxbuus oo loo heysto dembiyo la xiriira burcad badeed oo hadda ku jira xabsiga Taloja ee magaalada Mumbai ee dalka India ka dib marka uu xukun ku dhaco.

Wafdiga dowladda ee tagay India ayaa lagu wadaa in ay booqdaan maxaabiista Soomaaliyeed si ay ugu kuurgalaan xaaladooda gaar ahaan waxaa la filayaa in ay tagaan magaalooyinka Hyderabad iyo Mumbai.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo lagula soo wareegayo Maxaabiista caalamka ku xiran taasoo aysan ku guuleysan Dowladahii ka horeeyay waana tilaabo wanaagsan oo ay dowladu horay u qaaday.


Hargeysa Online