Cirro oo ka hadlay caqabadihii ka hor yimid mudaddii uu gudoomiyaha ahaa.
Posted by abdi on August 02 2017 22:43:19

Guddoomiyaha golaha Wakiiladdda Somalilad Md:C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo xilkii gudoomiyenimo iska casilay ayaa tilmaamay.


Extended News
Guddoomiyaha golaha Wakiiladdda Somalilad Md:C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo xilkii gudoomiyenimo iska casilay ayaa tilmaamay caqabadihii hore ka yimid mudadii uu xilka hayey oo dhamayd 12 sanno ahayd.

Sidoo kale, gudoomiye Cirro oo lagu waday in shirgudoonka iyo xildhibaanadaba iska casilay ayaa kaliya iska casilay shirgudoonimadii balse wali aan shaacin goorta uu iska casili doonno xildhibaanimadda.

“Waxaan maanta Gole weynaha sharafta badan isugu yeedhay in aan idinla wadaago go’aan muhim u ah taariikhda golahan iyo taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland-ba, kaas oo ah in aan isu diyaarinayo in aan baneeyo xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee aad ii doorateen idinku, iguna maamuusteen, kaas oo waqti dheerna aan idinku matalayey, isla markaana codkiina iyo kalsoonidiinaba aad igu siiseen in aan idinku hogaamiyo mudadaas.”ayuu yidhi .

201782636372583787694234cirro.jpg

 

2017826363725839519259767889999.jpg

20178263637258423898006689900.jpg

20178263637258437570963356333.jpg

2017826363725844991568948766.jpg

2017826363725845843299474332.jpg

Gudoomiye Cirro oo ka hadlaya caqabadihii ka hor yimid mudadii uu xilka hayey waxa uu yidhi“Waxaynu ku soo shaqeynay duruufo iyo caqabaddo badan, mararka qaarkoodna aad u qalafsanaa, oo ay saameyn weyn ku lahayd isbedeladda siyaasadeed ee dalku soo maray, sida dib u dhicii doorashooyinka ee xukuumadan KULMIYE iyo xukuumadii UDUB-ba ee kala danbeeyey, isbedelkii labadii xukuumadood ee UDUB iyo KULMIYE, furitaankii ururada iyo doorashadii golaha deegaanka ee 2012-kii , hadhitaankii uu hadhay xisbigii xukuumaddii hore ee UDUB oo ay ka soo jeedeen 33 xildhibaan oo golaha fadhiya maanta iyo soo bixitaankii axsaab cusub oo qaranku yeeshay.”

Dhinaca kale,waxa maalinta Axadda ah ee Toddobaadkan la dooran doona gudoomiyaha golaha Wakiiladda, waxaana loolan adag u dhexeeya saddex xildhibaan oo kala ah Baashe Maxamed Faarax oo hadda ah gudoomiye ku xigeenka 1aad oo hadda u sharaxan gudoomiyenimadda, Saleebaan Ca

li Koore iyo Cabdiraxmaan Talyena, waxaanay saddexdan masuulba ka soo wada jeedaan gobolka Sool.

Baashe Maxamed Faarax iyo Saleebaan Cali Koore ka soo wada jeedaan xisbiga taladda haya ee KULMIYE, halka Cabdiraxmaan Talyanle ka soo jeeddo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxaana marar badan la isku dayey in labadda xildhibaan ee KULMIYE midkood tanaasulo, haseyeeshee midna waliba wuu ku gacan saydhay inuu wax tanaasul ah sameeyo.

Hargeysa Online