Warmurtiyeed ka soo baxay odayaasha guurtida jaalliyadaha reer Somaliland.
Posted by ifraax on August 04 2017 01:34:51

Warmurtiyeed ka soo baxay odayaasha guurtida jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska kuna wajahan diidmo fidinta kiristanka iyo degmo ka mid ah degmooyinka Hargaysa.


Extended News

Warmurtiyeed ka soo baxay odayaasha guurtida jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska kuna wajahan diidmo fidinta kiristanka iyo degmo ka mid ah degmooyinka Hargaysa shacab cabasho ka muujiyey qashin buuxdhaafay


Taariikh. 1/8/2017.

Ku. Madaxwaynaha Jamhuuriydda dawladda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamud.

Og. Labada gole guurtida iyo golaha wakiillada.

Og.Xisbiyada qaranka .

Og.Hay,adaha ammaanka dalka.

Wargelin. Bulshada reer Somaliland.

Annaga oo ku hadlayna magaca jaalliyadaha reer Somaliland.

Waxaa fajac iyo amakaag nagu noqotay fidinta dalka laga fidinaayo kiristaanka ,taas oo aanu fahmi waynay baahida keentay.

Ka dib markii aanu dhinac walba ka eegnay dhinacyadaas oo kala ah

  1. Aqoonyahanka
  2. Culimada dalka diinta u qaabbilsan ee ay caddeeyeen waxa ay diinta islaamku ka qabto.
  3. Bulshada reer Somaliland oo diidmo adag kaga dareeen caliyey.

 

Waxa cabasho xooggan ka muujiyey bulshada ku dhaqan degmada Maxamed Mooge, waxaa iswaydiin leh yaa ka masuul ah dadkaas  la daaladhacaaya nolomaamedkooda kuna dhibaataysan dalkoodii hooyo ee nadaafad darrada ka tirsnaaya dawladda hoose

Waxaanu uga digayna mayerka dawladda hoose in aanu ku milmin ololaha doorashada, kana mashquulin xilka loo doortay.

 

 

Oday Deeq Cabdi Digale