Masjidka Daarul Faaruuq ee gobolka Minnesota oo Bam lagu weeraray.
Posted by abdi on August 05 2017 22:26:00

Masjidka Daaruf Faaruuq oo ku yaala magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota ayaa waxaa gaaray ciidamada faro badan kaddib markii subaxnimadii.


Extended News

Masjidka Daaruf Faaruuq oo ku yaala magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota ayaa waxaa gaaray ciidamada faro badan kaddib markii subaxnimadii hore ee saakay Bam lagu weeraray.

 

Gaar ahaan Bamkan ayaa ku dhacay xafiiska ama xarunta Sheekh Waliid oo ah Imaamka masjidka, hasse ahaatee lama sheegin cid wax ku noqotay.

Ciidamada ayaa baaritaan dheeraad ah ku haya Bamka lagu weeraray masjidka iyo sida uu dhacay, ilaa iyo haddana ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha amniga ka soo saareen weerarkan Bambaano.

 

Tan iyo markii tallada madaxtinimada dalka Mareykanka loo doortayDonald Trump sanadkii hore waxaa dalkaasi ku soo badanayay weerarrada u muuqda islaam naceybka, waxaana sidan oo kale horay weeraro loogu geystay shaqsiyaad iyo xarumo dadka muslimiinta ah ku cibaateystaan.


Hargeysa Online