Maxaabiis kale oo Soomaali ah oo xukun lagu riday Dalka India.
Posted by abdi on August 08 2017 22:29:53

Maxkamad ku taala dalka India ayaa markii labaad maalintii shalay xukun ku riday 16 Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay ahaayeen burcad badeed.


Extended News

Maxkamad ku taala dalka India ayaa markii labaad maalintii shalay xukun ku riday 16 Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay ahaayeen burcad badeed, waxaana midkiiba lagu xukumay 7 sano oo xarig ah.


Horay 15 dhalinyaro Soomaali ah ayeey sidan oo kale xukun ku riday maxkamad dalka India, oo wali ay xabsiyada ku jiraan tiro badan oo maxaabiis ah oo aan wali la xukumin.

Illaa iyo 87 dhalinyaro Soomaali ah oo ku jira xabsiyada dalka Hindiya ayaa lagu wadaa in jimcaha soo socda ama toddobaadka dambe maxkamad la soo taago.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa dhawaan booqday dalka India iyadoo labada dowladoo ay heshiis ku gaareen in dhalinyarada Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada dalkaas loona haysto burcad badeednimada la soo taago maxkamad.

Sidoo kale labada dowladood ayaa ku heshiiyay in maxaabiista Soomaalida ah inta ka dhiman xukunkooda dib dalka Soomaaliya loogu soo celiyo.


Hargeysa Online