Xukuumada Soomaaliland oo ka hadashay sheegashada xildhibaan Talyanle.
Posted by abdi on August 08 2017 22:37:47

Xukuumadda Soimaaliland ayaa sheegtay in ay dambi Qaran u ragto xildhibaan sheegtay gudoomiyaha gollaha Wakiiladda.


Extended News

Xukuumadda Soimaaliland ayaa sheegtay in ay dambi Qaran u ragto xildhibaan sheegtay gudoomiyaha gollaha Wakiiladda, waxeyna xustay in ay aqoonsan tahay gudoomiyihii la doortay ee Baashe Maxamed Faarax.


Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaanni ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ay dabadda ka soo riixayaan xisbiga WADDANI, Waxaanu farta ku fiiqay Cabdiraxmaan Cirro iyo Xirsi.

“Waxa si cad oo aan muran ku jirin u  qaadanay natiijadii golahaas ka soo baxay sida ummadda Somaliland oo dhan u qaateen, waxay aaminsanahay in si sharci ah oo xalaal oo hal dheeri lagu doortay gudoomiyaha golaha Wakiilada kaasi oo ah Baashe Maxamed Faarax”ayuu yiri Cismaan Saxardiid Cadaani oo ka hadlayey hadal ka soo yeedhay Talyanle oo muran galiyey doorashaddii gudoomiyaha golaha Wakiiladda loogu doortay.

Cadaanni oo arrintaaasi ka hadlaya waxa uu yiri “Waxa  umada Soomaaliland oo dhan og tahay fajaca iyo yaab ku riday hadalkii dambe ee is maax duminta ah ee ka soo baxay xisbiga WADANI, musharaxa Cabdiraxmaan Talyanle iyo taageerayashiisa fadhiyey ee fadhiga ka qaybgalay waxay si toos ah u arkayeen natiijadii halkaasi ka dhacday, waxa ayna cadaynaysaa in diidmadda dambe tahay mid ka timid dhanka xisbiga WADANI  iyo musharaxa mdaxweynaha  WADANI Cabdiraxmaan Ciro oo aanay ahayn arrin aanu u qabnay in Talyanle diidamdaasi ka timid, waxaanu ummadda Somaliland ugu baaqayaa in aan laba gudoomiye aanay jirn”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa sheegay in dacwadiisa uu maxkamadda sare u gudbiyey,isla markaana uu isagu ku doodayo inuu yahay gudoomiyaha rasmiga ah ee golahaasi.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.