Maamulka Baydhabo oo sheegay in Al Shabaab ay weerareen Mukhtaar Roobow.
Posted by ifraax on August 09 2017 22:18:01

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya C/risaaq Cabdi Aadan, ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.


Extended News

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya C/risaaq Cabdi Aadan, ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.


Weerarka ayaa shalay waxaa uu ka dhacay tuuladda Yaabal oo u dhow deegaanka Abal, halkaas oo uu saldhig ku leeyahay Abuu Mansuur.

Mukhtaar Roobow, ayaa saddex sano ka hor kasoo goostay Al Shabaab, waxaana uu hadda dagaal kula jiraa Al Shabaab, sida wasiirka uu sheegay.

“Dagaalka waxaa uu u dhexeeyay ciidamo daacad u ah Abuu Mansuur iyo dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab. Dagaalka waxaa uu soo gaaray ilaa subaxnimadii hore ee saaka”, ayuu yiri wasiirka.

14-ka bishii June ee sanadkan, Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay dowlada Mareykanka ugu saartay liiska Argagixisada Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa Hogaamiyayaasha ugu sareeya Dagaalyahannada Ururka Al Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Koonfur Galbeed Soomaaliya ay soo dhaweyeen go’aankasi isaga oo sheegay iney sharaf weyn u tahay dhammaan ummada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wasiirka ayaa shaaciyay in maamulka Koonfur Galbeed aysan weli heynin war rasmi ah oo uu Mukhtaar Roobow ku cadeeyay inuu ka soo goostay Ururka Al Shabab.

Hargeysa Online