Wadahadalo uga furmay Deegaanka widh widh Somaliland iyo Khaatumo.
Posted by ifraax on August 09 2017 22:27:11

Wadahadal u dhexeeya maamulka Khaatumo iyo Soomaliland ka furmay magaalada Widhwidh oo 100Km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Laascaanood.


Extended News

Wadahadal u dhexeeya maamulka Khaatumo iyo Soomaliland ka furmay magaalada Widhwidh oo 100Km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.


Wadahadaladan oo la filaayey in ay ka dhacaan xarunta gobolka Togdheer ee Burco ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhac ku yimid.


Hasse ahaatee maanta duhurkii gaaray deegaanka Widhwidh wefti ka socda Soomaaliland oo ka mid yahay Gudoomiyaha xisbiga UCID iyo Wasiiru-dowlaha Waxbarsashada Axmed Xaaji Aadan.

Weriye ku sugan Widhwidh ayaa Hargeysa Online u sheegay in weftigan lagu soo dhoweeyey duleedka magaalada Widhwidh, waxaanu xusay in ay soo dhaweeyeen Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr iyo qaar ka mid ah gollaha Wasiirada iyo xildhibaanno.


Wadahadal ayaa galabta u bilaaawday labada dhinac kaas oo la sheegay in ay keli ku yihiin, waxaana la filayaa in ay meel iskula dhigi doonaan sidii xal ka madanbaysa looga gaari lahaa is Afgarad labada dhinac dhexmara.

Wada hadaladan ayaa ku soo beegmaya xili kacdoon keenay in Khaatumo la garab u kala jabto uu taagan yahay, waxaana si aad ah loo hadal hayaa guusha laga gaari karo wada hadaladan oo marba marka ka danbaysa sii daciifaya.

 

Hargeysa Online