Madaxweyne Siilaanyo oo qaliin fudud ku gallay cisbitaal ku yaala Imaaraadka.
Posted by abdi on August 22 2017 21:46:15

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo hawlo caafimaad u jooga wadanka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in qaliin fudud.


Extended News

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo hawlo caafimaad u jooga wadanka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in qaliin fudud lagu sameeyey,isla markaana laga saaray qabsin (Appendicitis).


Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr ayaa warbaahinta u sheegay in baadhitaan lagu sameeyey madaxweynaha lagu ogaaday in cilad xaga qabsinka uu jiro, taasina ay keentay in markiiba qaliin fudud lagu sameeyo oo laga saaray qabsinkii, haseyeeshee uu hadda madaxweynuhu caafimaad qabo.

“madaxweynuhu wuxuu jooga Abu-dabay, waxaana lagu sameeyey Badhitaan caafimaad wax dhibaato ah kama soo bixin, kaliya waxa lagu sheegay Qabsin in laga saarayo, qabsinkiina waa laga saaray, caafimaadkiisuna wuu fiican yahay 100%”ayuu yidhi afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in uu hadda xaaladda Caafimaad ee madaxweynuhu fiican yahay,isla markaana cisbitaalkii uu ka baxay oo  uu hadda shaqadisii caadiga ahayd ku gudda jiro.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalintii Jimcihii toddobaadkan ka dhoofay magaaladda Hargeysa, waxaanu safar khaasa ku tagay wadanka Imaaraadka Carabta, haseyeeshee dadka looma sheegin inuu xaalad caafimaad u tagay, balse markii uu qaliinka ka soo baxay dadweynaha loo sheegay inuu madaxweynuhu qaliin fudud galay oo uu hadda caafimaad qabo.


Hargeysa Online