Warsaaxafadeed ka soo baxay odayaasha Musdambeedka jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska.
Posted by abdi on August 22 2017 22:43:12

Warsaaxafadeed ka soo baxay odayaasha Musdambeedka jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska kuna wajahan xaqdhawridda shirkadaha isgaadhsiinta dalka.


Extended News

Warsaaxafadeed ka soo baxay odayaasha Musdambeedka jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska kuna wajahan xaqdhawridda shirkadaha isgaadhsiinta dalka.

Dal waliba wuxuu ku tiirsanyahay sida uu u taageero ganacsiga kaas oo ah ilaha dhaqaale ee dawladda looga baahanyahay in ay dhiirrigeliso kana dhawrto wax kasta oo hagardaamo ku keeni kara.

Warbaahinta waxaa nooga muuqatay shirkadaha isgaadhsiinta ee adeegyada u sameeya bulshada Somaliland sida E DAHAB, ZAAD oo qaarkood gaarahaan shirkadda samaysa adeegga ZAADKA dacaayad aan xaq loogu lahayn laga fidiyey taas oo uu hakad galay adeegga Zaadku muddo daqiiqado kooban ahayd si dhakhso ahna ay shirkaddu xal muuqda uga gaadhay.

Talo soo jeedin.

  1. In ay dawladdu ilaaliso ganacsiga dalka rukumadiisa  uu ku taaganyey.
  2. Warbaahintu ay iska hubsadaan wararka ay tabinayaan.
  3. Sharaf iyo maammuus ayey ka mudanyiyihiin dalka shirkadaha  isgaadhsiintu qaabka hufan ee ay ugu adeegayaan shacabka guudahaan.
  4. Bulshadu in ay heegan u ahaadaan nabadgelyadooda ay haystaan.
  5. Ciidammadda qaranku ee bulshadu ku huruddo waxaanu u sheegayna in dadkiinnu idiin ogyahay.
  6. Madaxdhaqmeedka reer Somaliland in ay kala shaqeeyaan ciidamada nabedgelda ammaanka dalka.
  7. Xidhibaannada golaha wakiiladu in ay u wada shaqeyaan si wada jir ah karaamada bulshada soo dooratayna dhawraan.
  8. Lana badiyo cabsida Allah.
Oday Deeq Cabdi Digale