Ciidamo Turkish ah oo soo gaaray magaalada Muqdisho.
Posted by abdi on August 23 2017 20:13:52

Dowladda Turkiga oo saaxiib weyn la ah Soomaaliya ayaa la filayaa in  bisha September ee nagu soo foolka leh ka furto magaalada Muqdisho.


Extended News

Dowladda Turkiga oo saaxiib weyn la ah Soomaaliya ayaa la filayaa in  bisha September ee nagu soo foolka leh ka furto magaalada Muqdisho saldhig militari oo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya.


Saraakiil la taliyayaal ah iyo ciidamo Turkish ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaa oo qeyb ka noqon doonta munaasabada furitaanka saldhiga militari.

Warbaahinta Turkiga ayaa laga soo xigtay in askartan qeyb ka noqon doonaan howlaha saldhiga militari ee Turkiga oo la sheegay in markiiba lagu tababari karo wax ka badan 1, 500 oo askari.

Saldhiga oo mudo dheer la soo waday dhismihiisa ayaa ku yaala dulleedka Muqdisho gaar ahaan dhinaca deegaanka Jaziira.

Wali kama aysan hadlin dowladda Soomaaliya ciidamadan Turkish-ka ah ee ka soo degay magaalada Muqdisho, laakiin horay dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay in dowladda Turkiga ka dhiseen Muqdisho xero lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya.


Hargeysa Online