Khilaafkii Golaha Wakiiladda oo dib looga balamay xalintiisa toddobaadka soo socda.
Posted by abdi on August 23 2017 20:31:56

Mudanayaasha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta markii ay ka soo dareereen fadhigii golahaasi warbaahinta.


Extended News

Mudanayaasha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta markii ay ka soo dareereen fadhigii golahaasi warbaahinta u sheegay in dib looga balamay maalinta axadda ee toddobaadka soo socda fadhi danbe inta ka horaysana ay mudanayaal is xilqaamay isku soo dhaweeyaan fikradaha ay kala qabaan garabyadda ku loolamaya doorashada shirguddoonka.


Fadhiga maanta ayey gabi ahaanba saxaafaddu dibeda ka joogtay, kadib markii ay shirguddoonku arkeen xaaladda golaha oo kacsan taasoo ay doorbideen inaanay warbaahinta ka waramin, hase yeeshee fadhiga ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan, kadib markii uu kooramku u buuxsami waayey.

Mudanayaal ka tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa dhex dhexaadin ka galay sidii maanta loo baajin lahaa doorashada guddoomiye ku-xigeenka, kaasoo ay isku hayaan labada Xisbi ee Kulmiye iyo Wadani, waxaanay ku taliyeen in banaanka lagu soo xaliyo khilaafaadka golaha horyaala intaan la dooran ku-xigeenka.

Toddobaadkan waxa laga dareemayey golaha iyo goobaha siyaasadda ololaha lagu kala jiidanayey mudanayasha kuwaas oo baayactankoodii gaadhay meel sare, hase yeeshee illaa hada wali muu saldhigin labada dhinaca kooga awood badan.


Hargeysa Online