Warsaaxafadeed ka soo baxay odayaasha Musdambeedka jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska.
Posted by abdi on August 27 2017 22:06:37

Warsaaxafadeed ka soo baxay odayaasha Musdambeedka jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska Ergo diid  Bashe Maxamed Farax.


Extended News

Warsaaxafadeed ka soo baxay odayaasha Musdambeedka jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska Ergo diid  Bashe Maxamed Farax ma isku wadi karaa 82 xidhibaan golaha wakiillada dawladda jamhuuriyadda Somaliland?

Dhaqanka  bulshada Somaliland waxaa u caado ah inta ka warhaysa wada tashi, isu tanaasul ergo oodda laga rogo,laguna ixtiraamo islaaxa iyo wanagga ay la socdaan ,

Waxaa aynu ognay Ergo diid  Bashe Maxamed Farax marka uu diiday abwaannada sharafta iyo ixtiraamka bulshada ku leh cidda uu qaddaarin lahaa.

Ergo diid  Bashe Maxamed Farax tiroba sadder wakhti ayuu damcay in uu xildhibaannada ka biyo diidsan kulan ugu yeedho manay suuragelin mudane bashe Maxamed farax waxay dani ugu jirtaa in uu aqbalo ergada kana dheeraado isla wayni iyo talo maroorsi kasbadana in ay xildhibaannada shacabka Somalilanba xaqdhawraan.

Tolo soo jeedin.

  1. Dawladdu in ay ku dhaqanto caddaaladda .
  2. Mudane bashe Maxamed farax in uu talada saxda ah qaato taas oo ah bushada Somaliland.
  3. Doorshada dalka ka qabsoomaysa in aanay khalkhal galin cadowga aan dalka loo jabin.
  4. Golaha wasiirrada ee la moodo in ay dalka tahriibayaan in ay shacabkooda u tudhaan shacabkooda iyo dalkaooda ay masuulka ka yihiin
  5. Bulshada reer Somaliland  in u soo jeedaan xaqooda nabadydoodana ilaahashadaa.
  6. Aqoonyahanka Culimada,in aanay ka aamusin talada kala gudboon
  7. In la badiyo Cabdida ilaahaylagana faa,iidaysto tabanka habeen ee dulxija

Oday Deeq Cabdi Digale