Xiisad dagaal oo ka taagan deegaanka Xeraale ee gobolka Galguduud.
Posted by ifraax on August 30 2017 21:13:12

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay halkaa ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaad.


Extended News

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay halkaa ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaad ka tirsan deegaanka iyo ciidamada Ahlu Sunna oo maalmihii ugu danbeeyayba isku hayay gacan ku heynta deegaanka.


Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay halkaa ka jirto xiisad dagaal iyo abaabul ay wadaan labada dhinac, iyadoo Ahlu Sunna ay ciidamo fara badan oo duulaan ku ah u dirtay deegaanka, si ay weerar rogaal celin ah ugu qaadaan.

Bashiir Daahir Dhagabadan oo ah guddoomiyaha deegaanka Xeraale ayaa sheegay in ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay Ahlusuna geysay duleedka Xeraale, ayna doonayaan inay dib ula wareegaan.

Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaankaas ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan, waxaana deegaanka ka barakacay boqolaal qoys, waxaana mar kale jirta cabsi laga qabo in mar kale dagaalo dib uga bilowdaan.




Hargeysa Online